Vi använder Cookies för att ge dig en så bra upplevelse som möjligt.
Borlänge Gymnastikklubb
Gymnastik åt alla!

Ka mid ahaanshaha xubin  Borlänge Gymnastikklubb:

Iska diiwan gelinta inaad ka mid noqoto kooxaha waxaad iska diiwan gelin kartaa boggeena internetka ee WWW.borlangegk.se.  Marka ugu horeysa ee aad booqato boggeena waxaad arki doontaa kusoo dhawaaw ” välkommen” kidib inyar markaas hoos u socoto waxaad arkeysaa xiriiriye/ länk ay ku qoran tahay halkaan riix. Markaad riixdo ayuu  furmayaa kasoo lagu  buuxinayo  macluumaadka qofka. Kidib markii la buuxiyo liiskaas /fom waxaa uu geleyaa qofku safka sugida kasoo qaadana kara muddo 6-12  bilood inta aanan laguugu casuumin booska. Waxaan kawada xiriiri karnaa xagga emailka.

Qiimaha kaarka waxuu ku xiran yahay inta maalmood ama saacado ee aad rabto isbuucii inaa ka qeyb qaadato, kasoo u dhexeeya 600-800kr / termin.

Kadib ka xubin ahaan waxaad kaga faa iideysan kartaa in aad ku jimicsato hoolkeena ku yaalo Hammargatan 4  Södra Backa.

Shaqaalaheena waa kuwa aqoon u leh jimicsiga taasoo abuureyso kalsooni. Waxayna fahmi karaan baahida qofkasta.

Waxaan idinka rajaynaynaa in aad ixtiraan iyo wada shaqeyn wanaagsan ay ina dhex marto waxaana muhiim ah in aad waqtiga ku timaadaan iskuna deydaan firfircooni oo aad la shaqeyn kartaa kooxaha adigoo tixgelinayo shuruudaha meesha.

Waxaan idinka rabnaa  labo waalid oo ka qeyb qaadata xiisooyinka kuwaas oo naga caawinaya baahida markaas jirta.

 


E-post: borlange.gk@telia.com

Hemsida: www.borlangegk.se

Facebooksida:Borlänge Gymnastikklubb